Home / Habka-Nolosha / Verratti oo doonaya in uu Neymar jr ka garab ciyaaro ma Barcelona ayuu u socdaa

Verratti oo doonaya in uu Neymar jr ka garab ciyaaro ma Barcelona ayuu u socdaa

Ciyaaryahankan reer Italy ayaa u araga weeraryahankan reer Brazil iyo kooxda Barcelona  in uu noqon doono  mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican kubada cagta adduunka isga oo ku soo dhaweyn lahaa  imaanshiyaha France

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Paris Saint-Germain Marco Verratti ayaa si ba’an loola xariirinayaa ku biiritaanka kooxda Barcelona, ​​hayeeshee  waxa uu Verratti qirtay inuu jeclaan lahaa inuu ka garab ciyaaro garabka Barcelona ee Neymar

Xiddiga reer Italy ayaa carabka ku adkeeyay in uu jeclaan lahaa in uu arko isaga oo Neymar kula midaysan garoonka kooxda PSG ee Parc des Princes.

beIN Sports ayaa waydiisay inuu magacaabo laacib uu  keeni lahaa  kooxda difaacaneysa horyaalka Ligue 1, Verratti ayaa yiri “Yaan qaada lahaa in uu igula soo biiro PSG, Neymar Waa ciyaaryahan dhalinyaro ah waxa uu  ahaa mid cajiib ah labadii  kulan ee aan la ciyaarnay Barca.

“Isagu waa da’yar  wuxuu noqon doonaa ciyaaryahan weyn mustaqbalka.”

PSG ayaa lala xariirinayay Neymar xagaaygii lasoo dhaafay , laakiin xiddiga reer Brazil ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay joogitaanka Barcelona.

Waxa uu go’aansaday  in uu heshiis cusub saxiixo  bishii October kaas oo ilaa iyo 2021 ku ilaan doona  Catalonia

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan