Home / Habka-Nolosha / Verratti oo ku gacan-seyray hadal kasoo yeeray wakiilkiisa

Verratti oo ku gacan-seyray hadal kasoo yeeray wakiilkiisa

Muqdisho – Marco Verratti, laacibka naadiga Paris Saint-Germain ayaa diiday inuu doonayo kategista horyaalka Ligue 1.

Wakiilkiisa Donato Di Campli. oo hadlay kahor ciyaartii ay la dheeleen Barcelona ayaa ka digay in Verratti uu iskaga dhaqaaqi doono kooxda PSG haddii aysan ku guuleysan hanashada Champion League.

Si kastaba, 24-jirkan u dhashay Talyaaniga kaas oo naadiga u saxiixay heshiis shan sanadood ah ayaa ku gacan-seyray warka kasoo yeeray wakiilkiisa.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan soo jiito xiisaha naadiyada waaweyn balse madoonayo inaan badasho,” ayuu Verratti u sheegay Mediaset Premium.

“Waxaan qeyb ka ahay mashruuca weyn ee PSG waxaana aynu rabnaa inaan kamid noqonno saddaxda ugu sarreysa.”

Wiilka reer Talyaani ayaa sameeyey 17 kulan ciyaareed katirsan Lig 1 halka uu saftay lix kulan oo kamid ah Champion League.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan