Home / Cayaaro / Vidal “Ku soo laabashada Neymar ee Barcelona waxay noqon laheyd wax wanaagsan.”

Vidal “Ku soo laabashada Neymar ee Barcelona waxay noqon laheyd wax wanaagsan.”

Himilo FM –Khadka dhexe kooxda Barcelona ee  Arturo Vidal ayaa hadallada ku aadan in Neymar lala xiriirinayo Barcelona ka dhigay mid sarre isaga oo doonaya in uu dib ugu soo laabto garoonka Camp Nou, mar uu ka hadlyay xiddiga ayuu sheegay inay noqon laheyd wax wanaagsan haddii xiddiga reer  Brazil naadiga dib ugu soo laabto.

Vidal ayaa yimid kooxda Barcelona bishii August 2018, sannad kaddib markii Neymar uu €222m ugu biiray naadiga Paris Saint-Germain kaasi oo Blaugrana ku kharash gareeyay afar sanno.

Inkastoo Vidal uusan la ciyaarin Neymar haddana laacibka reer Chile ayaa ka warqaba waxa uu 27 jirkan ka sameeyay kooxda.

Mar wax laga weydiiyay macquul ahaanshiyaha Neymar uu ku imaanayo kooxda Barcelona qeybna uu ka ahaanayo xilli ciyaareedka 2019-20, Vidal ayaa yiri “Waxay noqon laheyd mid aad u wanaagsan, isagu halkan ayuu aad u jecel yahay.”

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan