Himilo – Sida laga soo xigtay warbaahinta Vietnam, maxkamad ku taalla Hanoi ayaa 12 sanno iyo bar oo xabsi ah ku xukuntay nin u dhashay dalkaasi kaddib markii lagu helay in uu kelyo ku iibiyay suuq madow.
Marka la eego eedeynta loo jeediyay, Ran Van Phong ayaa iibiyay kellidiisa isaga oo jooga Combodia kaddib markii uu wajahay dhaqaale xummo.
Markii uu ku soo laabtay Vietnam, Ran ayaa arkay dad badan oo yaalla isbitaalada dalka oo u baahan in loogu tabaruco xubno isaga oo sameeyay koox ka ganacsatada kelyaha sida uu qoray wargeyska V The Express.
Guri ku yaalla Hanoi ayaa saldhig u noqday shaqadiisa isaga oo 20 kun doolar ka helay lix kelli oo uu iibiyay.
Vietnam, way adag tahay in qofka loogu tabaruco xubin haddii ay timaado baahideeda, waxaa ugu wacan dadka dalka oo aaminsan inay muhiim tahay in qofka dhowrto xubnaha jirkiisa illaa inta uu ka dhimanayo.