Himilo – Virgil Van Dijk ayaa ku adkeystay in isaga iyo Joe Gomez aan keliya loo tiirin karin ammaanta heerka daafaca kooxda oo dhawaan soo hagaagay.
Guushii kooxda Reds ee Man United Axaddii tagtay, oo ay Liverpool ku dheereysatay hoggaanka horyaalka ayaa noqotay middii 7aad oo xiriir ah oo aan kooxda laga dhalin wax gool ah.
Van Dijk iyo Gomez ayaa ka soo muuqday lix kamid ah ciyaarahaasi. Si kasta, kabtanka Holland ayaa tilmaamay in ammaanta lawada qeybsanayo oo aan cid gaar ah loo tiirin karin.
“Qof kasta ayaa ku lug lahaa, waxaan heysanaa goolhaye wanaagsan, garbo si wanaagsan u qabanaya shaqadooda, khad dhexe iyo xiddigo kor u socda, waa shaqo loo dhan yahay,” ayuu yiri Van Dijk.
Liverpool ayaa immika hoggaanka horyaalka Ingiriiska ku heysa 16 dhibcood iyada oo uu kulan baaqi u yahay.