Home / Habka-Nolosha / Virgil van Dijk oo wali doonaya ka dhaqaaqista kooxdiisa.

Virgil van Dijk oo wali doonaya ka dhaqaaqista kooxdiisa.

Muqdisho – Daafaca Southampton, Virgil van Dijk ayaa lagu soo waramayaa inuu  doonayo ka tagista kooxda ka dib markii uu wada-hadallo cusub la yeeshay kooxda.

Ka dib markii laga saaray safka  Mauricio Pellegrino  safarka kahor xilli-ciyaareedka ay ku aadeen France, laacibka reer Holland ayaa waxa uu kala hadlay mustaqbalkiisa  Saints Isbuucaan.

Waxaa la rumeysan yahay in kooxda ay rajeynayaan in daafaca ay dejiso xaalkiisa ayna badalaan  fikraddiisa  si uu dib ugula midoobo, laakiin sida laga soo xigtay Daily Echo, waxba iskama bedelin arrinkiisa ku aadan in uu albaabka ka dago.

Warbixinta ayaa sheegtay in Van Dijk weli doonayo inuu ka tago naadiga, laakiin Southampton ayay weli ka go’an tahay inay ilaaliyaan xiddigan, taas oo ka dhigaysa xaaladda in ay marayso heer xasaasi ah.

Waxaa lasoo sheegay in Liverpool ay tahay kooxda 26-sano jirkan aadka u doonaysa kaas oo uu isaguba uu ku wajahan yahay ka mid noqoshadeeda.

Qore: Hanaa Maxamud Maxamed.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan