Home / Dhaqaale / Waa immisa mushaarka uu qaato madaxweynaha Maksiko?

Waa immisa mushaarka uu qaato madaxweynaha Maksiko?


Himilo FM – Madaxweynaha Maksiko ayaa daaha ka qaaday mushaarka uu qaato bishii isaga oo tilmaamay in uusan xiiseyn lacagta.

Qoraal soo baxay maanta oo sabti ah ayaa lagu sheegay in Andrés Manuel oo ah madaxweynaha dalka Maksiko uu qaato mushaar dhan 108 kun oo Peso oo u dhiganta 5604 doolar.

Mushaarka madaxweynaha Maksiko ayaa la dhimay seddex meelood meel, waxaana uu xusay Andres inuu ku faraxsan yahay oo uusan aheyn dadka jecel lacagta.

Hantida uu leeyahay waxaa lagu qiyaasay 446 kun oo Peso. Waxay carruurtiisa leeyihiin dhismo aan ka baaxad weyneyn 1.2 Hiktar oo ku yaalla koonfurta Maksiko.

Guriga qoyska madaxweynaha ee ku yaalla caasimadda Maksiko ee Maxico City waxa leh xaaskiisa.

Mr Andres ayaa shir jaraa’id waxa uu ka sheegay in uusan xiiseyn lacagta islamarkaana uu yahay qof u dagaalama mabaadi’da.

Madaxweynaha Maksiko oo u janjeera dhinaca biddix ayaa ballan qaaday inuu soo dhisi doono xukuumad gunti-isku dhiijis ah markii uu xilka la wareegay bishii December ee sanadkii hore.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan