Home / Habka-Nolosha / Waa immisa Muslimiinta ku nool caasimadda Moscow?

Waa immisa Muslimiinta ku nool caasimadda Moscow?

Himilo- Madaxa golaha fatwada ee Ruushka Raawi Ceynu Diin ayaa sheegay in tirada Musliimiinta magaalada Moscow tahay 2.5 Milyan oo qofood.

Mr Raawi ayaa shaaca ka qaaday xogta kaddib markii uu qabsoomay kulanka 7aad ee golaha fatwada Ruushka oo uu hoggaamiyo.

Waxa uu intaa raaciyay in inka badan 400 Masjid iyo dugsi in la dhisay ama la dayac tiray tan iyo sannadkii 1994-kii oo ahayd xilliga la aas-aasay golaha.

“Golaha ayaa dhisay oo dayactir ku sameeyay 400 Masjid iyo dugsiyo waxbarashada Islaamiga  lagu qaato,” ayuu yiri Raawi Ceynu Diin.

Marka la eego macluumaadka muftiga Ruushka, magaalada Moscow ee caasimadda ah waxaa ku nool 2.5 Milyan oo Muslimiin ah. Waxaa sidoo kale jira malaayiin kale oo deegaan ku ah gobolada kale ee Ruushka.

Golaha fatwada Ruushka ayaa ka kooban 1000 jamaaco Islaami ah oo ka kala dhisan gobolada dalka sida laga soo xigtay madaxa golaha Ceynu Diin.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan