Waa kuma 92 jirka madaxweynaha ka ah dal Africa ku yaalla 43 sano?

Himilo – Madaxweynaha Cameroon Paul Biya ayaa saxiixay wareegto lagu sheegay in dalkaasi uu doorashada madaxtinimada qaban doono 12-ka bisha Oktoobar 2025, taas oo go’aamin doonta hoggaamiyaha xiga ee dalka dhaca bartamaha Afrika oo caan ku ah wax-soo-saarka kookaha iyo saliidda, kuna dhow 30 milyan oo qof.

Sharciga doorashooyinka ayaa dhigaya in musharrixiinta madaxtinimada ay codsiyadooda u gudbiyaan guddiga doorashada muddo 10 maalmood gudahood ah kadib marka la iclaamiyo doorashada.

Paul Biya, oo 92 jir ah kana mid ah madaxda ugu da’da weyn caalamka ee xil haya, ayaa dalka xukumayey tan iyo sanadkii 1982, waxaana weli caddeyn inuu mar kale u tartami doono xilka. Doorashadii 2018 ayuu ku guuleystay in ka badan 70% codadka, inkastoo ay jirtay cabasho ballaaran oo ku saabsan musuqmaasuq iyo ka qeybgal hooseeya oo ay sabab u ahaayeen rabshadaha gooni-u-goosadka iyo kacdoonno Jihaadi ah.

Isbeddel dastuur oo dhacay 2008 ayaa meesha ka saaray xadka waqtiyeedka madaxweynaha, taasoo u ogolaaneysa Biya inuu u tartamo mar kasta oo uu rabo.

Inkasta oo xaaladdiisa caafimaad ay si joogto ah u xumaatay isla markaana uu dalka dibaddiisa joogay muddooyin badan, haddana Biya wali ma caddeyn inuu ka tanaasulayo xilka. Sannadkii hore, warar sheegaya inuu geeriyooday ayaa aad u faafay, taas oo keentay in dowladdu si cad u beeniso.

Musharaxa ugu weyn ee ka soo horjeeda Biya waa Maurice Kamto, oo si joogto ah loo bartilmaameedsado, lagana hor istaago ololihiisa siyaasadeed. Dhacdadii ugu dambeysay ayaa ahayd xilli uu dalka dib ugu soo laabtay, halkaas oo boolis tiro badan ay u diideen inuu ka baxo xarunta xisbigiisa si uu uga qeyb galo isu soo baxyada magaalada Douala.

Doorashadan soo socota waxay noqon kartaa mid taariikhi ah maadaama dalka Cameroon uu tan iyo madaxbannaanidiisii 1960-kii lahaa labo madaxweyne oo keli ah – mid ka yimid koonfurta Kiristaanka ah iyo mid ka yimid woqooyiga Muslimka ah.

error: Copy lama Ogola Fadlan