Himilo – Ivan Provedel Goolhayaha kooxda Lazio ayaa daqiiqadii 95-aad ee ciyaarta ka dhaliyay goolka bar-baraha ee tartanka champions League kooxda Atletico Madrid, oo marti ku aheyd garoonka Olimpico ee magaalada Roma.
Goolhayahan oo u dhashay dalka Talyaaniga da’diisuna ay tahay 29-sano ayaa go’aansaday ilbiriqsiyadii ugu danbeysay ee ciyaarta in uu kubad madax ah soo doonto maadaama kooxdiisa gool lagu hogaaminaye kulankan oo ka tirsanaa Group E.
Provedel ayaa boos qaadasho fiican sameeyay isagoo madax ku dhaliyay gees laab uu soo dhigay Luis Alberto.
Ivan Provedel waxa uu noqday goolhayihii afaraad ee taariikhda Champions League gool ka dhaliya iyo goolhayihii labaad ee taariiqda Champions league gool aan rigoore aheyn dhaliya.