Himilo – Waxaa lagu tilmaamaaa in uu yahay ninka labaad ee ugu saameynta badan ciidanka kacaanka Iiraan marka laga soo tago Qassem Soleimani oo lagu dilay weerar Mareykanka ka geystay Ciraaq.
Ismail Qaani ayaa ku dhashay gobalka Khorasan ee dhaca waqooyiga bari ee Iiraan sannadkii 1958-dii. Waxa uu ku biiray ciidanka kacaanka isaga oo da’yar ah dhammaadkii siddeetameeyada. Waxa uu u wareegay caasimadda Tehran halkaasi oo uu ku qaatay tababaro sannadkii 1981-kii.
Waxa uu ka qeyb galay isaga oo dagaalyahan ah dagaalkii Ciraaq iyo Iiraan halka mar danbe uu hoggaamiye koox noqday. Madaxa ciidamada sirdoonka kacaanka Iiraan ayaa loo magacaabay kahor inta uusan noqon ku-xigeenka horjoogaha ciidanka sida gaarka u tababaran ee Quds Force sannadkii 1997-dii xilligaasi oo Qassem Soleimani uu noqday madaxa kooxdaasi.
Inta badan dadka magaranayaan Qaani oo hoos u ahaa Soleimani marka laga reebo dhaqdhaqaaqyada milatari iyo hadaladiisa oo laga dheehdo adeeg darran. Saxafi ayaa ku tilmaamay Qaani in uu ka mayal-adag yahay Soleimani.
Goor sii horreysay, dagaalka Syria ayuu ku tilmaamay qaddiyad ku saabsan jiritaanka Iiraan, waxa uu ahaa qofkii ugu horreeyay ee shaaciyay in kooxda Ansaru Laah ee Yeman heysato gantaalada ridadooda gaareyso 400km.
Waxaa intaa la raaciyay in uu lataliye milatari ka noqday dagaalo ka dhacay Syria isaga oo lahaa fekerka lagu dhisay kooxaha taageersan Iiraan ee ka howlgala Syria.
Wasaaradda khasaanadda Mareykanka ayaa ku dartay liiska dadka la saaray cunaqabeetanada gaarka ah sannadkii 2012-kii.
Warbaahinta Iiraan ayaa ku tilmaamtay nin u adag sida birta oo aan waxba ka duwaneyn Jeneraalkii Soleimani isaga oo heysta khibrad ku filan oo la xiriirta furimaha dagaalka kala gedisan. Inta badan hadaladiisa ayaa laga garan karay sida daacad uu ugu yahay hoggaamiyaha ruuxiga ee dalka Iiraan.
Sannadkii 2017-kii, isaga oo ka hadlayay hanjabaadaha madaxweyne Donald Trump ayuu yiri “Hanjabaadaha Mareykan ee ka dhanka ah Iiraan way burburin doonaan Mareykanka, wax badan ayaan bixinay, dadka lamidka ah Trump, waan garaneynaa sida loola dagaalamo.”
Dad badan ayaa isweydiinaya sida deg degga ah ee loo magacaabay Qaani, tani ma waxay ka dhigan tahay in Iiraan qaadatay nidaam ay uga falcelinayso weerarada xagga cirka ee Mareykanka iyada oo adeegsaneysa maleeshiyaadka iyo kooxaha hubeysan ee ku dhaw?