Home / Cayaaro / Waa kuma saxiixii ugu wanaagsanaa EPL-ka xilli ciyaareedkii dhammaaday?

Waa kuma saxiixii ugu wanaagsanaa EPL-ka xilli ciyaareedkii dhammaaday?

Himilo FM –Goolhayaha reer Brazil ee kooxda Liverpool Alisson Becker ayaa noqday saxiixii ugu wanaagsanaa horyaalka EPL-ka xilli ciyaareedkii dhammaaday. Alisson ayaa lagu soo iibsaday lacag dhan 67 Milyan oo Pound.

Alisson waxuu ka caawiyay Liverpool guulo badan oo ay kasoo hoysay kubadda cagta gaar ahaan horyaalka PL-ka.

Alisson ayaa badbaadiyay 79% dhammaan darbooyinkii tooska ahaa ee uu wajahay, arrintaa oo ka dhigan in uu ka wanaagsan yahay dhammaan goolhayaasha kale ee horyaalka kala ciyaara.

Waxay u egtahay xilli hore in uu kasoo dhalaalay booskiisa maadaama uu ku guulesytay abaal marinta PL-Golden Glove Award.

Waxa uu ku mutaystay abaal-marintan 21 kulan oo horyaalka PL-ka oo aan wax gool ah laga dhalin.

Waxa uu ka caawiyay Liverpool inay hesho 97 dhibcood iyadoo hal dhibic ka hooseysa kooxda horyaalka ku guuleysatay ee Manchester City

Alisson waxuu sidoo kale wacadaro ka dhigay Champions League gaar ahaan kulankii group-yada oo ay iswajaheen Liverpool iyo Napoli.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan