Home / Cayaaro / Waa kuma weeraryahanka dooqa koowaad u ah Chelsea?

Waa kuma weeraryahanka dooqa koowaad u ah Chelsea?

Himilo- Chelsea ayaa u aqoonsatay weeraryahanka RB Leipzig Timo Werner inuu yahay bartilmaameedka koowaad ee suuqa kala iibsiga.

Blues ayaa laga qaaday xayiraadooda, taasoo la micno ah inay xor u noqon doonaan inay ganacsi sameeyaan inta lagu jiro suuqa jiilaalka .

Kooxda Frank Lampard ayaa lagu soo waramayaa inay indhaha ku hayaan inay rikoorka kooxda ugu dhaqaaqaan gooldhaliyaha Borussia Dortmund Jadon Sancho, kaasoo sidoo kale si xoogan loola xiriirinayay Manchester United iyo Liverpool.

Si kastaba ha, sida laga soo xigtay Daily Mail, kooxda ka dhisan caasimada ayaa sidoo kale xiiseyneysa inay la soo wareegaan weeraryahan cusub, iyadoo Werner loo arko inuu yahay bartilmaameedka koowaad ee kooxda.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Chelsea ay rabto weeraryahan cusub si ay tartan ugu hesho Tammy Abraham iyadoo Oliver Giroud la filayo inuu  dhaqaaqo bilowga sanadka 2020.

Werner, oo kaliya heshiis waqti dheer ah qalinka ugu duugay Leipzig bishii August, ayaa dhaliyay 19 gool 21 kulan oo uu u saftay kooxda inta lagu jiro xilli ciyaareedka 2019-20.


About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan