Home / Cayaaro / Waa kuma xiddiga ay Man City qeyb ka noqotay doonistiisa?

Waa kuma xiddiga ay Man City qeyb ka noqotay doonistiisa?

Himilo- Manchester City ayaa miisaameyso inay u dhaqaaqdo weeraryahanka kooxda Dinamo Zagreb Dani Olmo.

21 jirkan, oo ku sugnaa Barcelona intii u dhaxeysay 2007 – 2014 ka hor inta uusan ku biirin Dinamo, ayaa lala xiriiriyay labada Naadi ee  Manchester United iyo Tottenham Hotspur intii lagu jiray suuqa kala iibsiga xagaaga.

Wuxuu dhaliyay lix gool  wuxuuna caawiyay lix kale  17 kulan oo uu u saftay xilli ciyaareedkan  2019-20.

Sida laga soo xigtay Calciomercato, kooxaha Talyaaniga ee AC Milan iyo Roma ayaa isha ku haya Olmo, laakiin kooxda heysata Premier League ee City ayaa sidoo kale tartan adag ku jirta.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Dinamo ay ku qiimeyneyso weeraryahanka qiima dhan 34 milyan ginni iyadoo qandaraaskiisa Stadion Maksimir uu dhacayo xagaaga 2021.

City ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay 100 milyan ginni ku qarashgareyso saxiixyo cusub inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga Janaayo ka dib markii ay sagaal dhibcood ka hooseeyaan hogaanka Premier League isbuucaan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan