Himilo –Kooxda Monaco ayaa isha ku heysa weeraryahankii hore ee Liverpool Daniel Sturridge iyagoo raadinaya beddelka Radamel Falcao.
Sturridge ayaa xor ah tan iyo markii ay kooxda Liverpool sii deysay bishii June, waxaana xiiso u qabay kooxo ka dhisan Yurub.
Sida laga soo xigtay L’Equipe, xiddiga heerka caalami ee dalka England wuxuu xiriir la leeyahay Monaco, wuxuuna u furan yahay u dhaqaaqista Ligue 1.
Falcao ayay u badan tahay inuu u dhaqaaqo Galatasaray, Sturridge ayaa sidoo kale dalabyo ka helay Turkiga, iyadoo Trabzonspor iyo Fenerbahce ay muujiyeen xiise xooggan.
29 jirkan ayaa sidoo kale xiiseynaya MLS, iyadoo DC United ay aad u dooneysay inuu u bdedelo saaxiibkiisii hore ee England Wayne Rooney bishii January.
Sturridge ayaa dhaliyay keliya afar gool 27 kulan oo uu u saftay xilli ciyaareedkiisii ugu dambeeyay Liverpool.