Himilo – Cayaaryahanka kooxda Barcelona Philippe Coutinho ayaa lagu soo warinayaa inay doonayaan afar kamid ah kooxaha horyaalka Ingiriiska kaddib markii ay soo baxeen wararka sheegaya in uu laacibka ku soo laaban karo England.
Laacibka reer Brazil oo ku guuldareystay in uu bandhig wanaagsan ka sameeyo Nou Camp tan iyo markii uu £142 Milyan uga yimid Liverpool ayaa ol-ole ammaah ah ku qaatay kooxda reer Jarmal ee Bayern Munich.
Barcelona ayaa dooneysa inay fasaxdo Coutinho oo la rumeysan yahay in uu si weyn u daneynayo ku laabashada horyaalka Ingiriiska.
Sida laga soo xigtay The Mirror, Chelsea, Arsenal, Tottenham Hotspur iyo Manchester United ayaa dhammaantood doonaya Coutinho oo aysan Bayern rabin inay ka saxiixdo heshiis joogto ah.
Si kasta, warbixinnada ayaa tilmaamaya in mid kamid ah kooxaha Ingiriiska dooneyso heshiis joogto ah oo ay ka saxiixdo 27 jirka oo dhaliyay siddeed gool islamarkaana caawiyay lix kale horyaalka Bundesliga.
Coutinho ayaa muddo shan sanno ah ku qaatay Liverpool intii u dhaxaysay 2013 illaa 2018 isaga oo shabaqa soo taabtay 54 jeer 201 kulan oo uu u saftay Reds.