Himilo FM –Finland ayaa ku faaneysa inay noqotay dalka ugu hawada wanaagsan ururka Midowga Yurub hase ahatee marka la eego caalamka oo dhan waxaa ka horreysa Iceland oo leh hawada ugu nadiifsan dunida.
Kaalmaha kale ee xigga ee dalalka leh hawo nadiif ah waxaa qaatay Estonia, Swedhan iyo Australia sida ku xusan qiimeyn ay sameysay Green Peace iyo Air Visual.
Qiimeyntan waxaa lagu sameeyay 73 dal iyadoo la eegayo wasaqda ku jirta hawada taasi oo si weyn u saameysa nolosha dadka iyadoo wasaqda hawada lagu tiriyo sababta ugu weyn ee cudurrada neefta gaar ahaan kuwa ku dhaca sambabada.
Dalalka ugu liita xagga wasaqda hawada waxay noqdeen Bangladhesh, Pakistaan iyo Hindiya.
Ruushka oo kale, waxay qiimeynta tilmaamtay in hawada dalkaasi wanaagsan tahay iyadoo dalkan uu yimid safka hore ee liiska dalalka leh hawo nadiif ah.