Himilo-Waxaa soo idlaaday heerka guruubyada ee tartanka UEFA Nations League waxana la ogaaday 8 xul ee wareegay sideed dhamaadka, kaasoo bilaaban doona bisha March ee soo socota.
Nidaamka European Nations League waxaa ka mid ah u soo bixida kaalmaha koowaad iyo labaad ee afarta kooxood ee heerka koowaad, halka kaalimaha seddexaad iyo afaraad ay u laabteen heerarka hoose ee B iyo C.
xulka Belgium ayaaan u soo bixin wareega xigga maadaama uu ku jiray Group-ka ugu adag ee France iyo Italy ay kulajireen, halka xulka qaranka Spain oo difaacanaya tartanka uu u gudbay wareega xigga. isku aadka wareega 8 dhamaadka ayaa la qaban doonaa jimcaha soo socda si loo ogaado sida ay kooxuhu isugu aadi doonaan.
halkan hoose kaga bogo xulalka u soo baxay wareega xiga.
Portugal
Croatia
France
Italy
Spain
Denmark