Himilo- Real Madrid ayaa isku dayaysa inay iska iibiso Gareth Bale, James Rodriguez, Dani Ceballos, Marco Asensio iyo Isco xagaaga si uu ugu biiro Paul Pogba safkooda.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa isha ku haya inuu ka tago Manchester United xagaagan suuqa kala iibsiga, Madrid ayaana si aad ah loola xiriirinayay xiddiga reer France.
Qiimaha Man United ee aadka u sarreeya ayaa u muuqday mid ay iskaga hari karto Madrid, iyadoo Los Blancos ay horayba u kharashgareysay lacag badan oo ay kulasoo saxiixatay Luka Jovic iyo Eden Hazard.
Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay AS, kooxda reer Spain ayaa wada qorshe ay kula soo saxiixaneyso Pogba, taas oo la aaminsanyahay iibinta Bale, Rodriguez, Ceballos, Asensio iyo Isco si ay uga helaan kharash badan oo ay ku dhameystiraan £ 180m.
Rodriguez iyo Ceballos ayaa la filayaa inay ka tagaan Bernabeu xagaagaan. Bale, ayaa la sheegayaa inuu doonayo inuu sii joogo kooxda inkastoo uusan qorshaha ugu jirin Zinedine Zidane xilli ciyaareedka soo socda.