Home / Cayaaro / Waa kuwee xiddigaha ay iibkooda ka fiirsaneyso Napoli?

Waa kuwee xiddigaha ay iibkooda ka fiirsaneyso Napoli?

Himilo- Kooxda Napoli ayaa dhagaysan doonto  dalabayada laga keeno Kalidou Koulibaly iyo Dries Mertens dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Iyada oo ay ugu wacan tahay qaab ciyaareedkooda garoonka, labada nin ayaa haatan loo arkaa inay yihiin labo ka mid ah hantida ugu sareysa kooxda.

Si kastaba ha noqotee, sida laga soo xigtay Il Mattino, madaxda Napoli ayaa ka fiirsaneysa inay iska iibiyaan labadaas ciyaartoy haddii kooxda Carlo Ancelotti aysan horumar ka sameyn natiijadooda.

Xilliga arrimaha garoonka dibaddiisa ay si weyn u hadal hayaan wargeysyada, kooxda Napoli ayaa ku guuleysatay kaalinta 7aad ee kala sarreynta Serie A, shan dhibcood ayay ka hooseysa kooxda kaalinta 3aad ee Lazio.

Warbixinta ayaa soo jeedineysa in kooxda reer Talyaani ay u muuqato inay sare uqaadi doonto lacag kasta oo ay ka hesho Koulibaly iyo Mertens hadii qaab xumada kooxda ay sii socoto mustaqbalka fog.

Koulibaly – oo muddo dheer bartilmaameed u ahaa kooxda Manchester United – ayaa haatan leh qiime dhan 100 milyan ginni, in kasta oo taasi hoos loo dhigi doono haddii Napoli aysan ku guuleysan Champions League xilli ciyaareedka soo socda.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan