Home / Deegaan / Waa maxay sababta uu Trump u iibsanayo jasiiradda ugu weyn caalamka?

Waa maxay sababta uu Trump u iibsanayo jasiiradda ugu weyn caalamka?

Himilo – Xukuumadda Greenland ayaa diiday dalab madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku doonayo in uu ku iibsado jasiiradda ugu weyn caalamka oo leh ismaamul gaar ah.

Waxay tani ka danbeysay markii wargeyska The Wall Street Journal uu daabacay warbixin tilmaameysa in Trump uu daneynayo iibsashada jasiiradda Greenland.

Shabakadda CNN-ka ayaa qortay sababaha ku riixaya Trump codsiga uu ku iibsanayo jasiiradda dhacda Denmark.

Sida warbaahinta Mareykanka qortay, sababaha ayaa isugu jira kuwa siyaasadeed oo la xiriira dhulka jasiiradda iyadoo Washington ay saldhig weyn ku leedahay halkaasi.

Waxaa intaa dheer in Mareykanka uu jasiiradda ku leeyahay raadaar muhiim u ah nidaamkiisa difaaca gantaalada balaastikada ah.

Waxaa xusid mudan in 80% jasiiradda tahay baraf iyadoo ay ku nool yihiin 60 kun oo qofood sida lagu xusay tirakoobyadii ugu danbeeyay.

Telefishinka CNN-ka ayaa sidoo kale tilmaamay in Greenland leedahay kheyraad dabiici ah sida macdanta dahabka oo aan wali la soo saarin sabab ku qotonta barafka jasiiradda.

Cimilada hagaagsan ee jasiiradda ayaa kamid ah sababaha ku riixaya Trump damaca ah in uu iibsado, waxayna cimilada saacidayaan in si fudud loo soo saaro kheyraadka ku jira.

Hoggaamiyaal badan oo Mareykan ah ayaa ku guuldareystay inay iibsadaan jasiiradda, waana sababta uu Trump u doonayo in uu ku muujiyo in uu yahay hoggaamiye guuleystay.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan