Himilo FM –Aas-aasaha shirkadda Alibaba Jack Ma ayaa difaacay sharciga cusub ee saacadaha shaqada oo dhigaya in qofka uu shaqeeyo 72 saacadood toddobaadkii.
Ninka bilyaneerka ah oo ka jawaabaya eedeymo loo jeediyay shirkadda ayaa xusay in shaqaalaha loo baahan yahay inay isku arkaan kuwa nasiib badan sabab la xiriirta inay heystaan fursad ay ku shaqeyn karaan 12 saacadood maalintii.
“ Haddii aadan ku shaqeyn karin nidaamka 996 adiga oo dhallinyaro ah, goorma ayaad ku shaqeynaysaa,” ayuu yiri bilyaneerka u dhashay Shiinaha.
Alibaba oo ka shaqeysa ganacsiga online-ka ah ayaa shaqaalaheeda dul dhigtay amar ku qasbaya inay shaqeeyaan 12 saacadood maalintii taasi oo ay ka horyimaadeen inta badan shaqaalaha .
Mr Jack oo sii hadlay ayaa xusay in uu isku arko nin nasiib leh maadaama uu hadda shaqeeyo 12 saacadood maalin walba.
Shaqaalaha shirkadda ayaa cabasho ka muujiyay nidaamka shaqada cusub ee Alibaba oo loo yaqaan 996 ( 9-ka subaxnimo, 9-ka habeenimo iyo 6-da maalin ee toddobaadka). Waxay tilmaamayaan shaqaalaha in tani keeni doonto in la dhigo qeybta deg degga ah ee isbitaalada.
Sharciga shaqada ee Shiinaha ayaa dhigaya in aan shaqaalaha waajib looga dhigi karin inay shaqeeyaan inka badan 8 saacadood maalin kasta oo u dhiganta 40 saacadood toddobaadkii.