Home / Habka-Nolosha / Waa maxay walaaca Koonfur Kuuriya ka qabto shaarbaha safiirka Mareykanka ee Seoul?

Waa maxay walaaca Koonfur Kuuriya ka qabto shaarbaha safiirka Mareykanka ee Seoul?

Himilo – Inkasta oo ay jiraan khataro iyo baqdimo badan oo ay Koonfur Kuuriya dareemayso haddana waxaa jira walaac badan oo uu dalkan ka muujinayo shaarbaha safiirka Mareykanka.

Dadka u dhashay Koonfur Kuuriya ayaa argagax ku dareema aragtida shaarbaha safiirka Mareykanka ee magaalada Seoul Harry Harris tan iyo markii la magacaabay sannadkii 2018-ka sida uu qoray wargeyska The Guardian.

Habka shaarbaha safiirka Mareykanka ayaa xusuusinaya reer Koonfur Kuuriya waayihii gumeysiga Jabaan oo socday muddo 35 sanno ah xilli hooyada safiirka ay asal ahaan ka soo jeedo Jabaan.

Walaaca laga qabo shaarbaha safiirka ayaa gaaray baraha bulshada oo si weyn loogu faaqiday iyada oo dad badan u arkeen in uu yahay nuuca shaarbo oo ay sameysan jireen 8-dii hoggaamiye ee ka danbeeyay gumeysiga Jabaan.

Dhaleeceynta reer Koonfur Kuuriya ayaa la soo warinayaa inay gaartay safiirka oo wareysi uu bixiyay ku sheegay in walaaca uusan ka taagneyn nuuca shaarbihiisa.

Waxa uu intaa raaciyay “Dhaleeceynta igu socota ma aha shaarbaha, ee waa halka aan asal ahaan ka soo jeedo.”

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan