Home / Arrimaha Bulshada / Waa sidee Adeegsiga Mooska ee Dadka Soomaalida ah, Dhegeysi
Bananas are shown at the K+G Food Mart in Detroit, Monday, May 8, 2006. (AP Photo/Carlos Osorio)

Waa sidee Adeegsiga Mooska ee Dadka Soomaalida ah, Dhegeysi

Moosku waxaa uu ka mid yahay wax soo saarka Beeraheenna, waxaana inta badan lagu tacbaa dhulka ku hareereysan Wabiyada inkasta oo uu ka bixi karo meel walba.

In ka badan kun jaad oo kala duwan ayuu leeyahay mooska, waxaase ugu caansan midka la yiraahdo Cavendish, noocan wax soo saarka guud ee mooska dunida oo lagu qaddaro sanadkii in ka badan 120 milyan oo ton, waxa uu ka yahay 47%, sida ay tilmaamtay hay’adda cuntada iyo beeraha Qaramada Midoobay ee FOA.

Africa iyo Aasiyaha waa qaaradaha ugu horreeya xagga wax soo saarka mooska waana tan keenta in bulshooyooyinkooda ay aad u cunaan.

Cunista mooska waa mid ka mid ah dabeecadaha Soomaalida looga sooco dadyowga kala ee kula nool adduunka, laba ka mid ah seddax xilli oo ay cunteyso maalintii ayaa la raaciyaa hadba cuntada lagu qadeynayo amaba lagu casheeynayo.

Dadyowga qaar ayaa jaceylkiisu gaarsiiyay illaa heer ay ku cunaan canbuulada iyo inta kale ee la halmaasha ee lagu iidaamo saliidda iyo sokorta amaba caanaha xoolaha.

Qaar ka mid ah bulshada Ayaan weydiinayay heerka isticmaalkooda Mooska iyo bal haddii ay ka maarmi karaan?.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan