Himilo- Lamaanahan oo u dhashay wadanka Hindiya ayaa seddax carruur ah oo ay dhaleen waxay ku waayeen Tsunami ka dhacay degaankooda 15 sanno ka hor.
Karibeeran Parameshvaran iyo xaaskiisa Choodamani ayaa laba cisho kaddib masiibadaasi waxay isku dayeen inay is dileen balse iyaga oo maraya wado ayaa si kadis ah waxay ku arkeen carruur taagan wadada dhinaceeda oo aan heysan gabaad cidina ay la socon.
Waxay go’aansadeen inay soo wataan carruurtaasi oo afar ahaa iyaga oo geystay gurigooda balse gurigii ayaa si dhaqsa ah isu rogay xarun agoonta lagu xanaaneeyo markii tiradu gaartay 36 carruur ah.
Waqti kaddib waxaa laba ka mid ah carruurtaasi dib ula midoobeen qoyskooda waxaase usoo haray labo.
Gurigooda oo qaatay magaca Nambikkai oo afkeena ku noqonaya Rajo waxaa wali ku jira carruur ka mid ah agoontii Sunaamiga.
Qaar ka mid ah ayaa ka baxay iyaga oo ka qalin jabiyay jaamacaddo kana shaqeeya qaarkood shirkado waawayn.
Sangeetha oo 21 jir ah kana mid ahayd agoontii Sunaamiga ayaa waxay dib ugu laabatay xarunta kaddib markii ay darajada koowaad ee heerka jaamacadda ka diyaarisay cilmiga Tiknolojiyadda.
Waxay sheegtay- iyada oo ka jawaabeysa sababta ay dib ugu soo laabatay- inay dooneyso inay u adeegto carruurta agoomada ah.
Lamaanahan Hindiga ah ayaa wali gacanta ku hayay xaruntaasi iyaga oo jeebkooda ka dabbara waxayna sheegeen inay ku mintidi doonaan tan iyo inta ay kaga imaneyso geerida.