Tan iyo markii Magaalada Muqdisho uu ka dhaqan galay kala xadeynta Bajaajta ee A iyo B,waxaa arrinkaas dadka soo daweeyay ka mid ah Wadayaasha Gaadiidka Dadweynaha ee loo yaqaan BL-ka.
Wadayaasha qaar ayaa sheegaya in markii uu go’aankaas dhaqan galay kaddib ay heleen Rakaab badan maaddaama Bajaajta kala yaraatay.
Markii hore ayey sheegeen in ay ku daahi jireen Goobaha laga raro Gaadiidka sidoo kalena aysan heli jirin dad badan oo ay qaadaan.
Mid ka mid ah Wadayaasha Gawaarida Dadweynaha ee Caasiga ama Hoomeyda loo yaqaan ayaa sheegay in hadda ay habeenkii Jeebkiisa lacag ku barido halka markii hore aysan waxba u soo hari jirin.
Halkan ka daawo.
https://www.facebook.com/RadioHimilo.so/videos/584186840555985