Kaddib dagaalkii 9 maalin ka hor ka dhacay Suudaan, Waddamada Caalamka ayaa billaabay in ay muwaaddiniintooda kala baxaan.
Mareykanka ayaa xaqiijiyay in Shaqaalaha Safaaradda Mareykanka ee Khartuum la geeyay dal amaan ah,sidoo kalena si kumeel gaar ah loo xiray Safaaradda Khartuum.
Waddamada kale ee muwaaddiniintooda la baxay waxaa ka mid ah; British, Chinese ,French ,Saudi Arabia, Jordan, Kuwait iyo Japan.
Dalalka deriska la ah ee Chad, Libya iyo Masar ayaa la sheegayaa in ay wajahayaan culeyska Dadka u dhashay Suudaan ee ka cararaya colaadda Dalkooda.
Chat,waxaa ay sheegtay in 10,000 ilaa 20,000 qof ay Xudduudda ka gudbeen maalmihii ugu dambeeyay, horayna u hayeen in ka badan 400,000 oo Qaxooti Suudaaniyiin ah.
Dowladda ayaa sheegtay in aysan xamili karin qaxootiga faraha badan ee ka cararaya Colaadda Suudaan iyada oo intii hore ku dhib qabta sida ay sheegtay.

