Home / Caafimaad / Wadnaha bukaan xanuunsanaa 4 sanno oo laga soo saaray findhicil!

Wadnaha bukaan xanuunsanaa 4 sanno oo laga soo saaray findhicil!

Himilo FM –29 jir u dhashay Shiinaha ayaa noqday mid kamid ah dadka nasiibka u saaxiibka ah kaddib markii si badqab leh wadnihiisa loogu sameeyay qaliin naftiisa khatar gelin karay.

Dhaqaatiirta isbitaal ku yaala Nanning oo dhacda koonfurta Shiinaha ayaa qaliin ku sameeyay ninka oo lagu magacaabo Zhou kaddib markii la oggaaday in wadnihiisa uu ku taagan yahay findhicil ama istakiin uu liqay.

Waxa uu ka cabanayay caafimaad xummo sida qandho joogta ah muddo afar sanno oo xiriir ah, waxaana uu caafimaadkiisa ku kharash gareeyay lacag dhan 30 kun oo doolar hase ahaatee dhaqaatiirta ayaa ku guuleysan waayay inay fahmaan xannuunka haya.

Muddo kaddib, dhaqaatiir ku taqasustay qaliinka ayaa baaritaan sameeyay, waxayna tilmaameen in findhicil uu wadnaha Zhou ku taagan yahay, taasi oo loo tiiriyay caafimaad xummida heysata.

Dhaqaatiirta isbitaalka ayaa ka soo  saaray findhicil cabbirkiisu yahay 2.4 Inch dhinaca middig ee wadnaha dhibanaha kaddib qaliin qaatay saacado.

Sida findhicilka uu ku gaaray wadnaha ayay khubarada caafimaadka su’aalo iska weydiiyeen hase ahaatee qaar kamid ah dhaqaatiirta ayaa aaminsan in findhicilka uu si kedis ah u raacay qeybta hawada qaada.

Mr Zhou ayaa qudhiisa xusuusan sida findhicilka ama istakiinka uu ku liqay hase ahaatee warbaahinta ayuu u sheegay inuu ku faraxsan yahay howsha dhaqaatiirta qabteen iyo natiijada ka dhalatay.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan