Himilo – Wakaaladda keliya ee ka shaqeysa Australia ee Australian Associated Press ayaa albaabada laysugu dhufanayaa kaddib muddo 85 sanno oo ay shaqeynaysay.
Shaqaalaha shabakadda ayaa lagu wargeliyay in shaqadooda ku egtahay bisha June ee soo socota iyada oo madaxa fullinta wakaaladda uu muujiyay sida uu uga xun yahay go’aanka.
Bruce Davidson ayaa xusay in wakaaladda AAP ay qeyb weyn ka ahayd saxaafadda Australia tan iyo sannadkii 1935-kii islamarkaana go’aanka lagu xerayo uu yahay mid aad looga xummaado.
Qoraal ka soo baxay wakaaladda ayaa loo tiiriyay go’aanka saameynta aan horay loo arag ee warbaahinta digital-ka ah oo si fudud ku faafisa wararka.
“Waxaan soo gaarnay wakhti aanan sii shaqeyn karin,” ayaa lagu yiri qoraalka wakaaladda Australia ee AAP.
Waxaa xusid mudan in shaqaalaha shirkadda loo damaanad qaaday shaqooyin kale oo laga siinayo hay’addo bah-wadaag la ah AAP.