Home / Cayaaro / Wakiil: Jorginho waxa uu ku biiri karaa Juventus

Wakiil: Jorginho waxa uu ku biiri karaa Juventus

Himilo – Wakiilka khadka dhexe ee Chelsea ayaa caddeeyay in cayaaryahanka Jorginho  uu xiiseynayo in uu ku biiro Juventus xagaaga haddii uu dalab ka yimaado kooxda reer Talyaani.

Joao Santos ayaa qiray in laacibka reer Talyaani uu ka tagi karo garoonka Stamford Bridge dhammaadka xilli cayaareedka 2019-2020 inkasta oo uu qandaraaskiisa ka harsan yahay muddo labo sanno iyo bar ah.

Wakiilka cayaaryahanka 28 jirka ayaa hadda ka dhawaajinaya suurtagalnimada in uu cayaaryahanka u wareegi karo koox reer Talyaani ah suuq furanka xagaaga.

“Wax kasta ayaa ka dhici kara suuq furanka xagaaga, maxaa yeelay Jorginho waxa uu heystaa qandaraas seddex sanno oo Chelsea ah,” ayuu Santos u sheegay bogga TuttoJuve.com

Waxa uu intaa raaciyay “Haddii tani dhacdo, waxaan diyaar u nahay in aan eegno dalabaadka ka imaanaya Talyaaniga, Faransiiska iyo England.”

Jorginho oo labo jeer ka soo hoos shaqeeyay tababare Maurizio Sarri ayaa dhaliyay toddobo gool 32 kulan oo uu u saftay kooxda Chelsea xilli cayaareedkan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan