Himilo -Wakiilka Gareth Bale Jonathan Barnett ayaa carabka ku adkeeyay in ciyaaryahanka uusan ku laabanayn Tottenham Hotspur xagaagan, waxaana uu ku celiyay inuu doonayo inuu sii joogo Real Madrid xilli ciyaareedka soo socda.
Xiddiga garabka ka ciyaara ayaa dhameystiray heshiiskii uu ugu biiray Bernabeu isaga oo ka soo hayaamay kooxda Spurs, waxa uu markaa ahaa saxiixa ugu qaalisanaa dunida markii adduun dhan 85 milyan ginni ku iibsatay 2013-kii.
Spurs ayaa lagu soo waramayaa inay xiiso u qabto saxiixa Gareth Bale xagaagan, waxaana ay £ 54m ku doonayaan weeraryahankan, haddii Real ay diyaar u tahay inay ka qaybqaadato mushaarkiisa seddexda sanno ee soo aadan.
Si kastaba ha ahaatee, wakiilkiisa ayaa u sheegay Daily Mail “waxba isma beddelin” marka loo eego sida uu Bale u doonayo inuu sii joogo Spain inta uu furanyahay suuqan.
Real ayaa diyaar u ah inay iibiso Gareth Bale, kaasoo dhaawac soo gaaray xilli ciyaareedkii hore, laakiin ma jirin dalabyo ay soo bandhigeen kooxo badan oo doonaya inay bixiyaan mushaarkiisa oo dhan15.3 milyan oo ginni xagaagii
Xiddiga reer Wales ayaa booskiisa uu culays kaga imaan doonaa Eden Hazard.
Weeraryahanka ayaa ku guuleystay 13 koob oo waaweyn intii uu joogay caasimadda Spain, oo uu ku jiro afar Champions League ah.