Wakiilka Leroy Sane oo la kulmay Bayern Munich

HImilo- Kooxda Bayern Munich ayaa wadahadalo la yeelatay wakiilka Leroy Sane iyadoo kooxda ka ciyaarta Bundesliga ay isku deyeyso inay baabi’iso heshiiska weeraryahanka ee Manchester City.

Sane ayaa si xoogan loola xiriirinayay inuu u wareegayo Allianz Arena inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga, keliya waxaa soo gaaray dhaawac culus oo jilibka ah oo ka hor istaagay  fursadaha uu Jarmalku ugu wareegayo Bayern.

Wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in 23 sanno jirka uu wali  socdo ayaa qandaraaskiisa Etihad Stadium uu dhacayaa dhammaadka xilli ciyaareedka 2020-ka.

Saaxiibbada Sane ee City ayaa lagu soo waramayaa inay ku qanciyeen in da ‘yarkii  hore ee Schalke 04 uu ku biiro kooxda Bayern dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Sane ayaa la rajeynayaa inuu ka soo laabto dhaawac jilibka ah marxaladaha hore ee 2020.

error: Copy lama Ogola Fadlan