Home / Cayaaro / Wakiilka Malcom oo u sheegay Barcelona go’aanka ciyaaryahanka

Wakiilka Malcom oo u sheegay Barcelona go’aanka ciyaaryahanka

Himilo -Wakiilka Malcom Luis Fernando Menez Garcia ayaa la sheegay inuu la kulmay Barcelona Talaadadii si uu ugu sheego in ciyaaryahanka reer Brazil in uu doonayo inuu ka tago isagoo raadinaya kubad joogta ah.

Sida laga soo xigtay Catalunya Radio, wakiilkiisa ayaa u sheegay kooxda in Malcom uu doonayo inuu si joogta ah u ciyaaro islamarkaana aysan u muuqan inay taasi dhacayso xilli ciyaareedka soo socda ka dib markii uu yimid Antoine Griezmann.

Barcelona ayaa la weydiistay inay u oggolaato Malcom in uu baxo ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga xagaaga, waxaana kooxda lagu soo waramayaa inay dalbaneyso 60 milyan oo Euro.

Waxaa jiray warar sheegaya in kooxo ay xiiseynayaan Malcom xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee Barca, laakiin waxay u badan tahay inay ku heli doonaan qiima sarre maadaama ay Barca ku soo iibsadeen 41 milyan oo Euro  sannad ka hor.

Arsenal waa kooxda lala xiriirinayay weeraryahankan si joogta ah maalmihii ugu danbeeyay, laakiin wax walba oo ugu dhaqaaqi karo Waqooyiga London ayaa laga yaabaa inay Noqoto  ammaah.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan