Home / Habka-Nolosha / Wakiilka Verrati oo sheegay inay wadahal la galayaan PSG

Wakiilka Verrati oo sheegay inay wadahal la galayaan PSG

Muqdisho – Wakiilka Marco Verratti ayaa ugu yeeray wada-hadal lagala yeesho kooxda Paris Saint-Germain oo la xiriira mustaqbal laacibkan qadka dhexe ka ciyaara kadib dhamaadka koobka Coupe de France.

Ciyaaryahanka xulka qaranka Talyaaniga waxaa lala xiriirinayaa inuu u dhaqaaqayo dhinaca naadiga Barcelona dhamaadka xagaaga.

PSG ayaa kol hore ku guuleysatay koobabka Trophee des Champions iyo Coupe de la Ligue, waxayse jab culus kala kulantay dhinaca Barcelona kadib markii ay awood kaga saartay tartanka UCL. Hadda waxay u muuqataa inay horyaalnimada Ligue 1 ku lumiso kooxda Monaco.

Wakiilka Verrati, Donato Di Campli, ma quuddareynayo inuu ku degdego dood uu lagalo kooxda, hayeeshe wuxuu caddeeyey inuu doonayo wahadal inuu la furo kooxda kadib markay kasoo laabtaan fiinaalka Coupe de France oo ay la dheeli doonto kooxda Angers 27 May.

“Ma umaleynayo inuu hayo dareen ah inaan wax iraahdo,” ayuu u sheegay Premium Sport. “Wax yaalo dhowr ah ayaa ku qaldamay hadallada. Waxaan rabaa inaan deganaan kula signaano naadiga PSG.”

“Waxaynu wada-hadal la xiriira mustaqbalka laacibka la furi doonaa PSG. Kooxdu waxay inoo sheegtay inaysan iska fasixi doonin laacibka, marka waa inaan qadarinaa doonistooda.”

“Hayeeshe waxaan tallaab kama daneys ah ka ogaan doonnaa wada-hadalka aan la yeelanno.”

24-jirkan ayaa sheegay in guul-darrooyinka ku dhacay naadiga ay astaamo u tahay horumarkeeda.

“Haddii PSG aysan aheyn horyaal, kuma guuleysanneyn waxyaalaha maanka inoogu jira,” ayuu yiri.

“Hayeeshe waxay ila tahay in PSG ay mar kasta tahay koox kobceysa. Wax walbana way wanaagsanan doonaan kadib xagaaga.”

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan