Home / Macluumaad / Walaalo wada dhashay oo ku guuleystay tartan ku saaabsanaa sida qabriyadda loo qodo.

Walaalo wada dhashay oo ku guuleystay tartan ku saaabsanaa sida qabriyadda loo qodo.

Dalka Slovakia waxaa lagu qabtay todobaadkan tartan layaab xambaarsanaa oo ku saabsanaa sida qabriyadda loo qodo iyo qabrigii ugu quruxda badnaa oo kaalin lagu bixinayay.

Tartankan waxaa ka qeyb galay 11 kooxood, waxaana lagu qabtay galbeedka Slovakia halkaasi oo ay isugu soo baxeen dad aad u fara badan marka laga yimaado kuwa tartamayay .

Tartanki markii uu dhacay kadib ayaa lagu dhawaaqay natiijada qofkii ama kooxdii ku guuleysatay sida ugu wanaagsan ee qabri loo qodo iyo kaalinta qabriga ugu wanaagsan.

Labada kaalinba waxaa qaatay laba nin oo u dhashay isla dalka tartankan marti galiyay ee Slovakia.

Waxaa la kala yiraahdaa Ladislave Sakeladan iyo Saba Sekeladan, waa 43sano jir iyo 41sano jir, waxa ay qodeen qabri guntiisa hoose ay tahay 1.5 mitir ,dhirirkiisu yahay 2 mitir , balaciisuna yahay 90 centimitir .

Waxaa aad loo qiimeynayay waqtiga qabriga qodistiisa ay qofka ama kooxda ay ku qaadato hase ahaatee Ladislave iyo Saba waxa ay ku qodeen qabrigii ay ku tartamayeen 54 daqiiqo oo loo arkay waqtiga ugu gaabnaa ee tartanka qabri qodista Slovakia .

Gudiga tartanka oo ka koobnaa 5 qofood ayaa sheegay in qabriga labada nin in uu noqday kii ugu quruxda badnaa marka xaga muuqaalka laga fiiriyo .

Ugu danbeyn, Ladislave oo kamid ah labada qofood ee ku guuleysatay tartanka waxa uu cadeeyay in uljeedka tartanka uu yahay in la iiftiimiyo howsha adag oo ay hayaan dadka qabriyadda qoda iyo qadarinta ay tahay in ay helaan.

 

W/T : Mahad Maxamed Cali

Xigasho: The Mirror.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan