Wales oo sheegtay in kulan saaxiibtinimo ay la yeelanayso France

0
1

Muqdisho – FA-ga Welish-ka ayaa xaqiijiyey in xulka Wales uu kulan saaxiibtinimo la ciyaari doono xulka qaranka France bisha soo socota.

Ciyaarta waxaa lagu qaban doonaa Stade de France Paris maalinta Jimcaha, 10-ka bisha November.

Ciyaarta saaxiibtinimo ayaa noqon doonta markii ugu horreysay ee Chris Coleman uu ka soo muuqdo xulka ka dib markii ay ku guul-darreysteen inay u soo baxaan Koobka Adduunka toddobaadkii hore.

France iyo Wales ayaa kaliya hal kulan horey u kulmeen, iyada oo Ian Rush uu dhaliyay goolka kaliya ee ciyaarta si uu guul u siiyo xulkiisa 35 sano ka hor.

Wales ayaa la rajeynayaa inay xaqiijiso hal kulan oo kale oo saaxiibtinimo oo ay ciyaari doonaan kulamada fasaxa laga yahay horyaallada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here