Home / Habka-Nolosha / War-bixin: Lionel Messi oo saftay kulankiisii 400-aad ee La Liga.

War-bixin: Lionel Messi oo saftay kulankiisii 400-aad ee La Liga.

Muqdisho – Lionel Messi ayaa Barcelona ku hogaamiyey guul 3-0 ah oo ay ka gaaraan naadiga Levante ciyaar ka dhacday  Camp Nou, wuxuu ahaa kulankiisii 400aad ee horyaalka La Liga.

Waqtigaas laacibka reer Argentine ayaa dhaliyey 365 gool, 211ayuu ku ciyaaray gurigiisa, 154 kulanna waxa uu kusoo ciyaaray bannaanka, 24 hat-tricks ama Saddexley ayuu dhaliyey Afar marna waxa u dhaliyey Afarey ama Afar gool kulan qura.

Sida qof waliba ogyahay, Messi kaliya ma’ahan machine-ka gool dhalinta ee horyaalka ee sidaas oo kale waa caawiye cajiib ah, 400 oo kulan oo ciyaaray wuxuu caawiye ka noqday 144 a kubadood, kulankii ugu danbeeyay ee Levante ayuuna cawiye ka ahaa goolkii saddexaad ee Paulinho.

Iniesta, ayaa saftay 650 kulan oo rasmi ah.

Ciyaaryahan kale oo Barça ah ayaa gaaray Rikoor kale kulankii Axaddii ay kaga guuleysteen Levante garoonkooda Camp Nou. Andrés Iniesta ayaa gaaray 650 kulan oo rasmi ah oo uu u ciyaaray kooxda Blaugrana, markiisii ugu horreysay ayuuna saftay kulan dhacay 29 October 2002. Qadkan dhexe ayaa dhaliyey 56 gool isagoo caawiye ka noqday 95 kale oo ay dhaliyeen saaxiibadiisa FC Barcelona.

Shanta Ciyaaryahan ee ugu safashada badan Bacelona dhamaan tartamada.

Xavi Hernandez ayaa ugu safasho badan kooxda Barcelona wuxuuna saftay 767 kulan oo rasmi ah, waxaa kusoo xiga Andrés Iniesta oo isna saftay 650 kulna, halka Lionel Messi uu kulamada rasmiga ah ciyaaray 609kulan dhamaan tartamada.

W/Q:Abdi Aziz Adan Urur

Cabdicaziiz149@gmail.com

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan