Barcelona: Daafaca kooxda Barcelona ee Jordi Alba ayaa ka hadlay suurta galnimada uu uga taki karo kooxda reer Spain ee Barcelona uguna biiri karo Premier League, isaga oo dookha koobaad ka dhiganaya kooxda Old Trafford sida uu warinayo AS.
Daafacaan-2012kii ku guulaystay koobkii qaramada Yurub ayaana si dhow loola xariirinayaa kooxaha Chelsea iyo Manchester United.
Manchester United: Tababaraha kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa qorsheynaya inuu £72 milyan uu ugu dhaqaaqo laacibiinta kooxda Monaco ee Tiemoue Bakayoko, Djibril Sidibe iyo Benjamin Mendy, sida ay qortay The Sun.
Tababaraha Red Devils ayaa la rajeynayaa in la siiyo £250m si uu ugu soo qaato xagaagan laacibkii uu u arko in uu ka mid noqon karo kooxda Old Trafford ka dhisan ee Manchester United .
Chalsea: Labada ciyaaryahan ee Eden Hazard iyo Diego Costa ayaa ku dhow in ay ka tagaan kooxda Chelsea xagaagan, sida ay qortay The Sun.
Real Madrid ayaa sii kordheysay xiisaha ay u qabto Eden Hazard ayada oo ku kalsoon in ay £100 milyan kula soo wareegi karto Hazard halka Costa uu doonayo inuu ka tago England isaga oo qarka u saaran inuu ku biiro kooxaha ka dhisan horyaalka Chinese Super League.
Manchester City: Manchester City ayaa ku dhow inay dalab u dirto daafaca kooxda Monaco Benjamin Mendy, sida laga soo xigtay France Football.
Pep Guardiola ayaa doonaya inuu khadkiisa daafaca ka xoojiyo xilli ciyaareedka soo socda isaga oo hami weyn ka leh in uu dhameystirto heshiiska si dhaqso leh.
Bayern Munich: kooxda Bayern Munich ayaa wadahadalo la yeelatay xiddiga qadka dhexe ee kooxda Guangzhou Evergrande ,Paulinho, sida laga soo xigtay RMC.
Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa ku jira qaab ciyaareed wanaagsan xagaaygaan, Carlo Ancelotti ayaana la dhacay qaab ciyaareedka laacibkii hore ee Tottenham Paulinho.
Manchester City: Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Crystal Palace ee Wilfred Zaha ayaa ah dooqa koobaad ee Manchester City suuqa kala iibsiga xagaagan, sida ay qortay The Sun.
Pep Guardiola ayaa la dhacay qaab ciyaareedka laacibka reer Ivory Coast isaga oo dagaal la gali doona kooxda Tottenham si uu u helo adeega laacibkaan.