Home / Habka-Nolosha / Wararka ugu waaweyn ee Suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda.

Wararka ugu waaweyn ee Suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda.

Muqdisho –  Halkan ka bogo wararkii ugu danbeeyey ee suuqa kala iibsiga.

Arsenal oo ku guul-daraysatay dalbkii Dembele.

Arsenal ayaa laga soo diiday dalab ay ka gudbisay ciyaayahanka garabka ka xamaasha ee Ousmane Dembele kaas oo ka tirsan kooxda BVB ee Borussia Dortmund, sida ay warinayso Mundo Deportivo.

In kasta oo ay ku adkaysanayaan in uusan iib ahayn Alexis Sanchez, hadana kooxda Emirates Stadium ku ciyaarta ayaa u dhaqaaqday qarabkan gambiska wanaagsan ee Ousmane Dembele.

Haddii ay wayso Arsenal garabka reer Chile ee Alexis Sanchez, shaki la’ aan dooqa koobaad waxa ay isku diyaarinaysaa France heerka caalami ee Dembel.

 

Kylian Mbappe oo doonaya in uu baxo

 

Monaco hanaqaadkeeda Kylian Mbappe ayaa u sheegay kooxda in uu doonayo in uu baxo xagaagaan,Sida ay sheegayso L’Equipe.

Da’yarkan ayaa haysata dalabyo badan oo ka yimid kooxaha waaweyn ee Yurub,waxaana la fahansan yahay xiisihii ugu dambeeyay in uu ka helay kooxda uu baxsadka ka yahay Neymar ee Barcelona.

Barcelona yaa heli doonta €222 milyan oo lacagta Yurub ah. Kylian Mbappe ayaana kamid ah xiddigaha badalka u noqon kara Neymar.

 

Bournemouth oo £20m looga diiday Demarai Gray

 

Gray ayaa sameeyay 41 soo muuqasho dhammaan tartamada xagaagii dhamaaday,isaga oo kooxdiisa Leicester kulamadeeda kusoo bilawday kaliya sagaal kulan, waxaana lafahsan yahay in da’yarkan uu u baahan yahay waqti badan oo garoonka dhexdiisa ah

Hoggaamiyaha Leicester ee Craig Shakespeare, oo hadlayay kadib mar ay qasaaro kala kulmeen Burton, ayaa yiri, ‘Gray wuu heli doonaa fursad xagaagan.’

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan