Muqdisho – Manchester City ayaa diyaar u ah inay 400 milyan oo ginni kula soo wareegto Lionel Messi bisha Janaayo haddii uusan qandaraas cusub u saxiixin Barcelona.
Ciyaaryahanka reer Argentine qandaraaska uu ku joogo Camp Nou wuxuu ku eg yahay bishii July, waxaana laga yaabaa inuu albaabka u furo sanadka cusub kooxda reer England.
Barcelona ayaa isku diyaarineysa inay lasoo saxiixato xiddiga Tottenham iyo England, Dele Alli, sida laga soo xigtay SPORT.
Warbaahinta ayaa sheeganeysa in Blaugrana ay weli dooneyso inay la saxiixato xiddiga Liverpool, Philippe Coutinho, laakiin waxay sidoo kale dooneysaa Alli – oo horay loola xiriiriyay Real Madrid iyo Manchester United.
-Goolhayaha Manchester United, David De Gea ayaa u muuqda mid diiradda u saaran kooxda Ligue 1-ka ee Paris Saint-Germain, sida laga soo xigtay majaladda Le10 Sport.
Paris Saint-Germain ayaa calaamadeysan doonta xiddiga heerka caalami ee dalka Spain ka dib markii ay ka baxeen midka Atletico Madrid ee Jan Oblak, sababtoo ah wuxuu ku kacayaa 100 milyan oo ginni.
-Kylian Mbappe ayaa u sheegay Paris Saint-Germain inay u dhaqaaqaan saxiixa xiddiga Atletico Madrid, Antoine Griezmann kahor inta uusan Manchester United qaban, sida laga soo xigtay Don Balon.
18 jirkan heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa yimid caasimadda xagaagan, wuxuuna doonayaa inuu ku arko Parc des Princes Antoine Griezmann.
-Chelsea ayaa dooneysa inay dalab u dirto daafaca dambeedka bidix ee Juventus, Alex Sandro bisha Janaayo, sida laga soo xigtay CalcioMercato.
Si kastaba, Blues ayaa lagu soo warramayaa inay soo ban-dhigtay dalab ka badan 70 milyan oo ginni xagaagii lasoo dhaafay, laakiin kooxda heysata horyaalka Serie A ayaan dooneynin inay iibiso xiddiga reer Brazil.
-Real Madrid ayaa ka fiirsaneysa inay xagaaga u dhaqaaqdo daafaca dambeedka midig ee kooxda Real Sociedad, Alvaro Odriozola.
Los Blancos ayaa qorsheyneysa in 21 jirkan kulankiisii ugu horreysay ee Spain saftay kulankii ay la ciyaaraan Albania Jimcihii in ay lasoo wareegaan, waxaana qandaraaskiisa lagu burburin karaa 40 milyan Euro.
Qore: Abdiaziz Adan Urur.