Home / Habka-Nolosha / Wararka xanta ee ka jira horyaallada Yurub

Wararka xanta ee ka jira horyaallada Yurub

Muqdisho – Wararkii ugu danbeeyey ee Arsenal.

Macalin naadiga lagu naaneyso Marwada Duqda ee Juventus ayaa heshiis afka ku siman lagaaray Arsenal si uu u badalo macalin Arsen Wenger, marka loo eego warsidaha Daily Express.

Iyada oo mustaqbalka macalin Wenger ee gegida Emirates uu ku jiro hubaal la’aan, Allegri ayaa kuurka ugu jira badalka macalinka reer Faransa marka uu idleyso xagaaga dhamaanaya ee 2016-17.

Arsenal oo filaysa tegitaanka Sanchez.

Arsenal ayaa filanaysa in Alex Sanchez uu ka dhaqaaqo gegida Emirates xagaagan waxayna sii qorsheysanayaan ka maarmista wiilka Chilean-ka, marka loo eego Daily Mail.

Heshiiska uu Alex kula jiro Arsenal ayaa ku eg sanadka gabagabada sanadkan wuxuuna noqonayaa xur sanadka xiga haddii uusan naadiga la galin wada-hadal cusub.

Hayeeshe Gunners-ka ayaa baddalkiisa baadi-goobeysa laacibiinta Alexandre Lacazette, Andre Silva iyo Marco Reus.

Man United oo la saxiixanaysa Kroos iyo Varane

Jose Mourinho, macalinka naadiga Manchester United ayaa isku golaadinaya u dhaqaaqista dhinaca Real Madrid si uu uga saxiixdo laacibiinta Toni Kroos iyo Raphael Varane dhamaadka xagaagan, marka loo eego warsidaha Spainish-ka ee Don Balon. 

Kroos ayaa qalbi ahaan ku xasilneyn, sida dhawaanahan lasoo weriyay, tiiyoo uu heshiis cusub la galay naadiga. Waxaa lagu xiriirinayay inuu lammaaniyo laacibka Paul Pogba.

Mourinho ayaa sidoo kale laacibka Varane u arka musharrax maangal u ah inuu ka xoojiyo daafaca danbe ee naadigiisa.

 

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan