Home / Habka-Nolosha / Wararkii ugu danbeeyay Suuqa kala iibsiga

Wararkii ugu danbeeyay Suuqa kala iibsiga

Muqdisho – Arsenal ayaa wakiilo daawada u dirtay goolhayaha kooxda Sunderland ee Jordan Pickford, sida ay warisay Sunderland Echo.

Gunners ayaa la dhacday qaab ciyaareedka laacibkan da’yarta England u ciyaara ee Under 21- laakiin waxa ay u badan tahay in ay tartan kala kulmi doonto saxiixiisa.

Manchester City, Liverpool, Manchester United iyo Everton ayaa sidaas oo kale  dhamaantood xiisaynaya  xiddigan  amaahda ku soo qaatay Preston North End.

Real Madrid ayaa sameyneysa qorshe ah inay lasoo wareegto Weeraryahanka Atletico Madrid Antoine Griezmann dhamaadka xilli ciyaareedka soo socda, sida laga soo xigtay L’Equipe.

Xiddiga reer France ayaa shaaca ka qaaday inuusan ka tagi doonin Rojiblancos xagaagan, laakiin kooxda ay isku magaalada ka dhisan yihiin  ayaa rumaysan in  ciyaaryahanka ay gacanta ku soo dhigi karto 2018.

Kooxda Marseille ayaa rabta inay balaariso qorshaha ay ku doonayso in ay dib ugu soo celiso Olivier Giroud horyaalka Ligue 1, sida laga soo xigtay France Football.

Kooxda ayaa haatan haysata  ganacsadaha reer America ee Frank McCourt kaas oo horay  kooxda u keenay Xiddigaha reer France ee  Dimitri Payet iyo Patrice Evra, isaga oo liiska ku darsaday markan laacibka Arsenal ee Giroud.

Manchester United ayaa qorshaynaysa u dhaqaaqidda laacibka Inter ee Ivan Perisic lkn waxa ay tartan kala kulmaysaa Chelsea sid laga soo xigtay Gazzetta dello Sport.

Qore: Abdi-aziz Adan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan