Home / Habka-Nolosha / Wararkii ugu danbeeyey ee xanta suuqyada horyaallada Yurub

Wararkii ugu danbeeyey ee xanta suuqyada horyaallada Yurub

Muqdisho – Halkan ka aqriso wararkii ugu danbeeyey ee xanta suuqyada Yurub.

Chelsea ayaa u dagaallamaysa hanashada Lingard

Kooxda Blues-ka ayaa kusoo biirtay loolanka Arsenal ay ugu jirto saxiixa laacibka kooxda Man United, Jesse Lingard, marka loo eego The Sun.

Laacibka reer England ayaa heshiiska uu kula jiro naadigiisa waxaa kaga harsan sanad kaliya tiiyoo kooxda Gunners-ka ay indha-indheyneyso xaaladdiisa guud.

Hayeeshe hadda waxay wajahayaan loolan kaga yimaada kooxda ay isla tirsan yihiin horyaalka ee kala dhisan London – Chelsea, halkaas oo macalin Antonio Conte uu u biyeystay soo xero-gelinta laacibkan.

Bayern Munich oo dooneysa James

Carlo Ancelotti ayaa ku tala-jira siduu dib ula midoobi lahaa laacibka James Rodriguez isaga oo macalinka reer Talyaaniga naawilaya inuu keeno gegida kooxda Bayern Munich, marka loo eego Marca.

James waxaa naadiga Real Madrid kusoo biiriyay macalin Ancelotti – kooxda Bavarian-kana waxay hadda hanashada laacibkan u marayaan macalinkooda kaas oo waqti adag ku qaadanaya gegida Santiago Bernabeu.

Juve oo u dhaqaaqday dhinaca macalin Spalletti

Macalinka naadiga Rome, Luciano Spalletti ayaa heshiis afka ah la gaaray kooxda Marwada Duqda ah ee Juventus oo la xiriirta suura-galnimada tegitaan ee macalin Massimiliano Allegri, marka loo eego jariiradda Corriere della Sera.

Heshiiska Allegri ayaa dhacaya sanadka 2018 waxaase lala xiriirinayay dhinaca Arsenal taas oo naadiga qasab kaga dhigaysa inay baddal u raadsadaan booskiisa. Juventus ayaa kol hore isku dayday inay macalin Spalletti keento gegida Turino hayeeshe way suura-gali weyday. Haddase, wuxuu yahay musharraxa koobaad ee u taagan qabashada xilka madaxtinimada ee Juventus.

 

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan