Muqdisho – Manchester City ayaa kusoo biirtay hardanka loogu jiro keenista laacibka kooxda Atletico Madrid, Antoine Griezmann, horyaalka PL, marka loo eego Daily Mail. Kooxaha Manchester United iyo Chelsea ayaa si weyn u xiisaynaya laacibkan kaas oo ay u badan tahay inuu ku kaco adduun gaaraya 75 milyan oo Gini.
Macalin Pep Guardiola ayaa, si kastaba, laacibkan kamid dhigtay bartilmaameedka uu doonayo inuu xagaaga soo socda kamid dhigo xulka naadiga City.
Geesta kalana, Arsenal ayaa la tilmaamayaa inay baddal u heshay laacibkooda Ozil. Gunners-ka ayaa aad ugu dhow u dhaqaaqista weeraryahanka Barcelona, Arda Turan, marka loo eego CNN Turk via The Sun.
Wiilkii hore ee Atletico Madrid ayaan waqti fiican ku qaadaneyn gegida Camp Nou ee Barcelona, Arsenalna waxay dooneysaa inay lasoo wareegto si haddii tegista suuragal ka ah ee Mesut Ozil ay dhab noqoto uu baddal ugu noqdo.
Sidoo kalana, laacibka Lucas Perez iyo kooxdiisa hore ee Deportivo La Coruna ayaa yeeshay xiriir ah haddii laacibkani kusoo laaban karo naadiga reer Spain, marka loo eego La Voz de Galicia.
28-jirkan ayaan ku faraxsaneyn habka loogala dhaqmay gudaha gegida Emirates ee kooxda Arsenal. Wuxuuna is weydiinayaa inta fursado door ah ee lasiin doono mustaqbalka si uu bandhigiisa u muujiyo.
Dhinaca kalana, Liverpool ayaa u dhow inay aqbasho adduun gaaraya £8 milion inay kula soo wareegto daafaca Hull City, Andrew Robertson, marka loo eego Daily Mail.
Jurgen Klopp ayaana laacibkan u arka mid buuxin kara baahida dhanka daafaca ee heysata naadigiisa.