Home / Habka-Nolosha / Wararkii ugu danbeeyey suuqa kala iibiga ciyaartoyda

Wararkii ugu danbeeyey suuqa kala iibiga ciyaartoyda

Muqdisho – Wararkii ugu danbeeyey ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda waxaa ugu waaweyn

CHELSEA Waxay hanan kartaa Bonucci

Tababaraha kooxda chalsea ee Antonio Conte iyo difaaca kooxda Juventus Leonardo Bonucci ayaa laga yaabaa in ay dib u midoobaan kadib markii uu soo ifbaxay warar sheegaya in ay isku dheceen laacibkaan tababaraha hadda ee Juventus  Massimiliano Allegri

Juventus ayaa eegaysa in ay hishiis waqti dheer ah oo difaaca dhexe ah ay yeeshaan Mattia Caldara Daniele Rugani taas oo macquul ka dhigi karta in 29-jirkaan la fasaxo

ALDERWEIRELD oo heshiis cusub lagalaya Spurs-ka

Toby Alderweireld ayaa lagu wadaa inuu heshiis cusub u saxiixo Tottenham, sida laga soo xigtay Daily Mail.

Xiddiga reer Belgium waxa uu noqday xubin muhiim ah oo ka tirsan daafaca kooxda  tan iyo markii uu uga soo biiray Southampton sandkii 2015, iyadoo Spurs laga dhaliyay kaliya 32 gool 26 kulan oo ilaa hadda ay ciyaareen xili ciyaareedkaan

Qandaraaska haatan ee Alderweireld ayaa ayaa lgu burburin karaa £25 milyan .

WENGER wuxuu leylin lahaa Madrid

Arsene Wenger aya jeclaan lahaa in ay qaataan kooxda boqortooyada  ee Real Madrid hadii uu ka tago Arsenal, sida ay xiganeyso Telegraph.

Tababaraha kooxda Gunners ayaa la sheegay inuu hoos u dhigay shaqo £30-millon uu ka qaadan  lahaa  mid kamid ah kooxha ugu tunka wayn horyaalka  Chinese Super League.

Waxa uuna doonayaa in uu guulo lasii  sii joogo mid kamid ah kooxaha Yurub, isaga oo ku fakaraya Santiago Bernabeu.

JUVENTUS oo kusoo biirtay dagaalka loogu jiro weeraryahanka Fiorentina ee Bernardeschi.

Juventus ayaa kula biirtay Manchester United iyo Chelsea ugaarsiga ay ugu jiraan weeraryahanka Fiorentina ee  Federico Bernardeschi, sida uu sheegay La Stampa.

Kubbad sameeyahan 23-sano jirka ah, ayaa dhaliyay 10 gool xilli ciyaareedkan taas oo u horseeday  in laacibkan  laga xiiseeyo suuqa  kala iibsiga ayna ku dagaalmaan kooxaha ugu tunka wayn England iyo Italy.

Real Madrid oo £50m ku dooneysa Dembele

Real madrid ayaa £50million ku raadinaysa  laacibka kooxda Celtic ee Moussa Dembele.

Weeraryahanka Celtic, ayaa sidoo kale lala xiriiriyay kooxaha Chelsea iyo Manchester United.

Xiddiga Celtic ee  Moussa Dembele oo qiimihiisu yahay £50million waa uu ku wanagsan yahay inuu u ciyaaro Real Madrid, sida uu sheegay ninka ay isku kooxda yihiin ee Cristian Gamboa.

Dembele, ayaa ku riyaaqaya goolasha  Scotland, isaga oo dhaliyay 15 gool 24 kulan oo horyaalka ciyaaray.

Waxa uu sidoo kale dhaliyay shan gool Champions League, taasoo keentay in lala xiriirinayay kooxaha Real Madrid, Chelsea iyo Manchester United.

Waxaa isku soo ururiyay: Abdi aziz Aadan Urur.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan