Himilo FM –Shirkadda AirHelp ayaa soo saartay warbixin la xiriirta garoomada iyo diyaaradaha ugu wanaagsan caalamka kaddib markii la darsay xoggo ku dhaw 40 kun oo laga qaaday 40 dal.
Warbixinta ayaa qiimeyn ku sameysay 134 garoon iyadoo la eegayay jadwalka duulimaadyada, nuuca adeegga, maqaayadaha iyo xarumaha ganacsiga.
Garoonka diyaaradeed ee Hamad International Airport oo ku yaalla magaalada Doha ayaa yimid kaalinta ugu horreysa ee liiska halka booska labaad loo caleema saaray garoonka Tokyo International Airport ee Jabaan.
Dhinaca diyaaradaha ugu wanaagsan caalamka, waxaa kaalinta koowaad iyo tobbanaad yimid labo shirkadood oo laga leeyahay dalalka carabta. Waxaa diyaaradaha laga fiirinayay tayada adeegga iyo aragtida rakaabka.
Garoomada diyaaradeed ee ugu wanaagsan caalamka marka la fiiriyo qiimeynta AirHelp
1. Hamad International Airport, Qatar
2. Tokyo International Airport, Japan
3. Athens International Airport, Greece
4. Afonso Pena International Airport, Brazil
5. Gdansk Lech Wałęsa Airport, Poland
6. Sheremetyevo International Airport, Russia
7. Changi Airport Singapore, Singapore
8. Rajiv Gandhi International Airport, India
9. Tenerife North Airport, Spain
10. Viracopos/Campinas International Airport, Brazil
Diyaaradaha ugu wanaagsan caalamka
1. Qatar Airways (84% on-time performance)
2. American Airlines (75%)
3. Aeromexico (78%)
4. SAS Scandinavian Airlines (73%)
5. Qantas (79%)
6. LATAM Airlines (77%)
7. WestJet (74%
8. Luxair (78%)
9. Austrian Airlines (71%)
10. Emirates (75%