Home / Caafimaad / Warbixin: Inka badan 300 Milyan qofood ayaa ka cabanaya cudurro mar la arag ah

Warbixin: Inka badan 300 Milyan qofood ayaa ka cabanaya cudurro mar la arag ah

Himilo- Inka badan 300 Milyan oo qofood ayaa ka cabanaya xannuuno mar la arag ah caalamka oo dhan sida uu muujiyay baaritaan cusub. Tiradan waxay ka dhigan tahay 4% dadka dunida.

Xannuunka waxaa lagu tilmaami karaa mar la arag ama mid dhif ah marka uu ku dhaco 5-tii qofood ee kamid ah 10,000.

Waxaa jira 6000 cudur; 72% waa kuwa ku gudba dhaxalka iyadoo jiraan 149 xannuun oo ka mas’uul ah 80% cudurrada mar la aragga ah ee laga diiwaan geliyay caalamka.

Anna Rath oo qeybgashay baaritaanka lagu oggaanayay natiijadda ka dhalata cudurradan ayaa sheegtay in dad badan dhibaato kala kulmaan xannuunada dhifka ah.

Waxay intaa raacisay inay muhiim tahay in la fahmo xannuunadan  si mudnaan loo siiyo dadaalada caafimaad iyo baaritaanada sahlaya in la calaameeyo dhibka gaaraya bulshooyinka.

Khubarada sameeyay daraasadda ayaa isku raacay baahida loo qabo dejinta siyaasaddo qaran iyo kuwa caalami ah oo ku qotoma caafimaadka guud si loola tacaamulo cudurrada mar la aragga ah.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan