Himilo – Warbaahinta NBC News ayaa sheegtay in Wasaaradda Difaaca Mareykanka (Pentagon) ay heerka qiimeynta khatarta basaasnimo ee Israa’iil gaarsiisay heerka ugu sarreeya, kadib walaac laga qabo waxa lagu tilmaamay dadaallo sii kordhaya oo Israa’iil ku ururinayso xogta mas’uuliyiinta Mareykanka.
Sida warbixintu sheegtay, Hay’adda Sirdoonka Difaaca Mareykanka (DIA) ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay Israa’iil u aqoonsatay heerka “Critical”, iyadoo saraakiil Mareykan ah ay sheegeen in arrintan ay la xiriirto isku dayo lagu doonayo in lagu ogaado doodaha iyo go’aannada gudaha ee maamulka Madaxweyne Donald Trump ee ku saabsan colaadaha Bariga Dhexe.
Warbixinta ayaa xustay in qiimeyntan cusub ay ku saleysan tahay dukumenti ka kooban toddobo bog oo lagu diiwaangeliyay dhacdooyin gaar ah oo sare u qaaday walaaca Mareykanka.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay jiraan khilaafyo siyaasadeed oo u dhexeeya Madaxweyne Trump iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, gaar ahaan dagaalka Iran iyo howlaha militari ee Israa’iil ka waddo Lubnaan.
Saraakiil hadda iyo kuwii hore ee Mareykanka ayaa sheegay in Israa’iil ay si dhow ula socoto haddii Trump uu dib u bilaabi doono dagaal ballaaran oo ka dhan ah Iran ama uu dooran doono xal diblomaasiyadeed.
Dhanka kale, Safaaradda Israa’iil ee Washington ayaa gebi ahaanba beenisay warbixinta, iyadoo sheegtay in Israa’iil aysan basaasin mas’uuliyiinta dowladda Mareykanka. Pentagon-ka iyo Aqalka Cad ayaa sidoo kale ka gaabsaday inay xaqiijiyaan warbixinta, iyadoo mas’uul ka tirsan Aqalka Cad uu ku tilmaamay mid aan sax ahayn.
Khubaro amni ayaa sheegay in hay’adaha sirdoonka Israa’iil ay caan ku yihiin ururinta xogta istaraatiijiga ah, isla markaana ay si gaar ah u daneeyaan siyaasadaha iyo qorshayaasha Mareykanka ee gobolka.