Home / Caafimaad / Wasaqda gaadiidka oo sabab u ah neefta ku dhacda carruurta

Wasaqda gaadiidka oo sabab u ah neefta ku dhacda carruurta

Himilo FM –Ku dhawaad 4 Milyan oo carruur ah ayaa qaada xannuunka neefta sannad kasta sabab loo tiirinayo wasaqda hawada ee ka dhalata gaadiidka sida ay muujisay daraasad cusub oo la daabacay.

Waxay tiradan ka dhigan tahay 13% guud ahaan xaaladaha neefta carruurta ee laga diiwaan geliyo caalamka oo dhan.

Dalalka ugu badan ee laga soo wariyay xaaladaha neefta ee ka dhasha wasaqda gaadiidka ayaa noqday Koonfur Kuuriya, Kuwait, Imaaraadka iyo Qadar.

Marka laga hadlayo magaalooyinka, waxaa ugu darran Shanghai, Moscow, Seoul iyo siddeed magaalo kale oo katirsan Shiinaha.

Natiijadda ayaa la filayaa inay dhiira geliso tallaabooyinka lagu yareynayo wasaqda hawada sida laga soo xigtay baarayaal katirsan jaamacadda George Washington.

Neefta ayaa ah xannuun ku yimaada hawo mareenka qofka. Malaha dawo lagu dabiibo laakiin haddii qofka lala tacaalo waxa uu ku noolaan karaa xaalad deggan.

Sida ku xusan tirakoobyada hay’adda WHO, ku dhawaad 235 Milyan oo qofood ayaa ka cabanaya neefta halka 400 kun oo qofood u dhintaan sannad kasta.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan