Home / Deegaan / Wax ka baro 10-ka dal ee qaaradda Afrika ugu dhulka weyn

Wax ka baro 10-ka dal ee qaaradda Afrika ugu dhulka weyn

Himilo – Afrika waa Qaaradda Labaad ee ugu weyn adduunka kaddib Aasiya. Waxayna ka kooban tahay dhowr iyo 50 dal kuwaas oo isugu jira kuwa dhawaan la yagleelay iyo kuwo tan iyo isticmaarkii soo jiray.

Waxaan halkan kuugu soo gudbinayaa 10-ka dal ee Africa ugu dhulka weyn annaga oo ka bilaabi doona midka 10aad.

Muritania – Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Muritaaniya waxa ay dhacdaa waqooyi-galbeed Africa, Magaalo madaxdeeda waxaa la yiraahdaa Nouakchott (Nuwaag-shoot), badkeedu waxa uu gaarayaa (1,3700 km2) shacabka Muritaaniya waxay gaarayaan 4.182 million oo qof.

South Africa – Jamhuuriyadda Koofur Africa wuxuu dhacaa sida ka muuqata magaciisa koofurta qaaradda Africa, badkeedu wuxuu gaarayaa 1,221,000 KM2, waxaa ku nool dad lagu qiyaasay 55.91 million oo qof, caasimadda wadanka waxaa layiraahdaa Pretoria.

Mali – Jamhuuriyadda Mali waa wadan ku yaalla galbeedka Africa, waa dal xiran (malahan wax bad ah) badkiisu wuxuu gaarayaa 1,240,000 km2: caasimadda wadanka Mali waxaa lagu magacaabaa Bamako, dadka u dhashay Mali waxay gaarayaan 15 milyan oo ruux.

Angola – Waxay dhacdaa koofur galbeed Africa, badkeedu wuxuu gaarayaa 1,246,000 km2, caasimadda wadanka Angola waxaa la yiraahdaa  Luanda, dadka ku nool Angola waxay gaarayaan 29 milyan oo qof.

Niger – Jamhuuriyadda Niger waxay dhacdaa galbeedka Africa: waa dowlad xiran (malahan wax bad ah) badka Niger waxa uu gaarayaa 1,267,000 Km2. Caasimaddiisu waa Niamey (Niyaami).

Chad – Jamhuuriyadda Chad, waxay dhacdaa bartamaha Africa, badka dowladda Chad wuxuu gaarayaa 1,284,000 km2 caasimadda Jamhuuriyadda Chad waxa la yiraahdaa N’Djamena (Nijamiina), waxaa dalkan ku nool 14 milyan oo qof.

Libiya – waxay dhacdaa waqooyiga Africa, waa dal kamid ah dalalka ugu dhulka weyn caalamka, wuxuu badkiiso gaarayaan 1,759,000 KM2, caasimada wadanka Libiya waxaa layiraadkaa Tripoli, dadka ku nool waxay gaarayaan 6.293M oo qof

Sudan –  Jamhuuriyadda Sudan, dalkan waxuu ahaa wadanka ugu dulka weyn Africa kahor inta aysan ka go’in Suudaanta Koofureed, badka Sudan wuxuu gaarayaa 1,861,000 km2, Caasimadda wadanka waa  Khartoum: dadka ku nool waxay gaarayaan 41,680,022 oo qof.

Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo (Dr) – wuxuu dhacaa bartmada Africa, waa dalka labaad ee Africa ugu dhulka weyn, badkiisu wuxuu gaarayaa 2,344,000km2, dadka ku nool DR  waxay gaarayaan 82 milyan oo qof, caasimada wadanka waxaa layiraahdaa Kinshasa.

Algeria – Dalka Algeria waa dalka ugu dhulka weyn qaaradda Afrika waxa uu dhacaa waqooyiga Africa, badka Algeria waxa uu gaarayaa  2,381,000 km2, waxay ka kooban tahay  48 gobol, gobolka Tamanrasset ayaana ugu weyn.  Gobolkan wuxuu ka dhul weyn yahay wadamada Jarmalka iyo Syria, caasimadda wadanka Algeria waxaa la yiraahdaa Algiers dadka ku nool Algeria waxay gaarayaan 40.61 million oo qof.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan